Saturday, June 28, 2025
HomeAll NewsIn kabadan 30 Qof oo Dhimsho iyo Dhaawac ku Noqday Duqaymo ka...

In kabadan 30 Qof oo Dhimsho iyo Dhaawac ku Noqday Duqaymo ka Dhacay Suudaan.

Maleeshiyaadka uu hogaamiyo Maxamed Xamdaan Doghlo ee RSF ayaa duqaymo wuxuushnimo ah ka fuliyay gobollo dhaca dalka Suudaan, halkaas oo lagu dilay in kabadan 30 qof oo rayid ahaa oo ay kamid ahaayeen caruur yar-yar, sida ay kusoo warameen illo goob-joog ah oo ku sugan magaalada Al-Faashir.

Ugu yaraan 13 qof oo ay ku jiraan 3 carruur ah ayaa ku naf waayay duqeyn culus oo ay shalay Jimcihii magaalada Al-Faashir ka fuliyeen xooggaga Taageerada Degdegga ah, iyadoo magaaladaasi ay wali ku jirto go’doon milatari oo muddo dheer socda, sida ay sheegeen ilo caafimaad.

Wararka ka imanaya Al-Faashir oo ku taalla gobolka galbeedka Darfur ayaa intaa ku daraya in weerarkan hubeysan sidoo kale uu dhaawac culus gaarsiiyay 21 qof oo kale. Duqeyntan ayaa timid saacado un kaddib markii golaha sare ee kumeel-gaarka ah ee Suudaan uu sheegay, in uu oggolaaday xabbad joojin socon doonta mudo toddobaad ah, taas oo lagu wado in ay fursad u noqoto gaarsiinta gargaar biniaadantinimo, si loo caawiyo kumanaanka qof ee magaalada ku go’doonsan.

Si kastaba ha ahaatee, afhayeen u hadlay maleeshiyaadka RSF ayaa dhankiisa sheegay, in aysan jirin wax heshiis rasmi ah oo ay la galeen dawladda, kaas oo salka ku haya xabad-joojin, arintan ayaana su’aal gelinaysa hirgelinta tallaabadaas.

Bilooyinkii la soo dhaafay, maleeshiyaadka RSF ee arxanka daran ayaa duqeymo isdaba joog ah ka waday magaaladan iyo xeryaha barakacayaasha ee ku hareeraysan, kuwaas oo sababay dhimashada boqollaal rayid ah iyo barakaca tobanaan kun oo kale, waxaa sidoo kale gobalada qaar ka dhacay duqaymo kuwan lamid ah oo ay fuliyeen ciidamada dawladda, kuwaas oo lagu beegsaday dad rayid ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.