Sunday, July 20, 2025
HomeAll NewsIn Kabadan 50 Kun oo Ka Tirsan Qabaa’ilka Muslimka ah ee Suuriya...

In Kabadan 50 Kun oo Ka Tirsan Qabaa’ilka Muslimka ah ee Suuriya oo ku Biiray Dagaalada ka Socda Koonfurta Dalkaas.

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya gaar ahaan koonfurta dalkaas, ayaa ku waramaya in xiisada dagaal ee gobalku ay isku badashay waji kale, kaddib markii tobanaan kun oo dagaalyahan oo ka tirsan qabaa’ilka Carabta ee Suuriya ay ku dhawaadeen magaalada Suwaydaa, halkaas oo ay doonayaan inay kaga hortagaan falal wuxuushnimo ah oo ay qawmiyada Duruusiyadu kula kacday dadka muslimiinta ah ee daga gobalkaas.

Qabaa’ilka Suuriya ayaa Khamiistii ku dhawaaqay inay garab taagan yihiin dadka muslimiinta ah ee lagu dhibateeyay gobalka Suwaydaa, War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen, in kooxaha hubeysan ee qabaa’ilka Duruuzku ay ka wadaan gobolkaas falal naxdin leh oo ay ku jiraan dilal bareer ah, guryaha oo la gubo, dad rayid ah oo la barakiciyay.

Bayaan ay qabaa’ilku u direen warbaahinta ayuu lagu yiri: “Waxaan si adag uga digeynaa dowladda Suuriya inay faragelin ku sameyso dhaqdhaqaaqa dagaalyahanadeena u soo gurmaday walaalahooda. “Kuwani waa rag difaacaya dadkooda, dhiigooda iyo sharaftooda. Cid kasta oo isku dayda inay hor istaagto kacdoonkan waxay ka dhigan tahay inay la safatay kooxaha hubaysan ee xasuuqa wada” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay qabaa’ilka Suuriya.

Dagaalyahanada qabaa’ilka ayaa durba la wareegay tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla duleedka magaalada Suwaydaa, waxaana ay gaareen degaanka al-Mazra’a, oo ah goob istaraatiiji ah. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya, in tirada dagaalyahanadan ay kor u dhaaftay illaa 50 Kun oo xubnood, halka tobanaan kun oo kale ay saacado gudahood kusoo gaari doonaan Suwaydaa, kuwaas oo sheegay inay kasoo baxayaan bariga Suuriya iyo gobollada Xalab iyo nawaaxigeeda.

Sarkaal ka tirsan ciidamada qabaa’ilka ayaa sheegay in ay hadda jiraan 41 qabiil oo kasoo jeeda dalka Suuriya ay qeyb ka yihiin dagaalka, kuwaas oo wakiil ka ah in ka badan 70% bulshada Suuriya. Waxa kale oo uu sheegay in taageero ka imaaneysa qabiillo Carbeed oo ku sugan dalalka dariska sida Ciraaq, Urdun iyo Lubnaan la filayo inay soo gaaraan gudaha Suuriya.

Dagaalka ka socda gobalka Suwaydaa ayaa marba marka ka dambaysa kasii daraya, ciidamada dawladda Suuriya ayaana isku dayaya inay nidaamkeeda hoos keenaan gobalka Suwaydaa, kaddib markii la riday nidaamkii Nusayriga ahaa ee Bishaar Al-Asad.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.