Wadanka Suudaan ee dhaca qaaradda Africa oo ay soconayaan dagaallo aad uxooggan, ayaa waxaa dhanka kale lagu xasuuqayaa dadka shacabka ah eek u nool dalkaasi.
Duqeymo aan kala joogsi lahayn ayaa dadkii lagu dhameynayaa, iyadoo aysan jirin cid iska wax iska waydiineysa sababta loo gumaadayo dadkan rayadka ah ee aan dagaalka qeyb ka ahayn, waxaana dagaalladan hurinaya malleeshiyo mid waliba oo kamid ah uxusul duubeyso sidii ay ugaari lahayd danteeda.
Xasuuqyo aan kala joogsi lahayn oo ay noloshooda ku waayeen dad aad badan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay wadankaasi, waxaana la dilay dad tiro ahaan gaaraya 65 ruux oo duqeymo lagu laayay, halka ku dhaawacmeen 133 kale.
Duqeymaha dadka lagu dilay ayaa kala ahaa kuwo dhanka cirka ah iyo kuwo madaafiic ah, 40 kamid ah dadkan la dilay ayaana lagu eedeeyay iney ku baxeen gacanta malleeshiyo usacyineysa in wadanka Suudaan laga dhiso dowlad Calmaani ah, kadib duqeymo ka dhacay magaalada Kadoqli oo katirsan gobolka Gordafaan, waxaana halkaasi lagu duqeeyay madaafiic gallaafatay nolosha dadkan, iyadoo sido kale dhaawacday 70 qof oo kale.
Duqeynta labaad oo ahayd mid dhanka cirka ah islamarkaan lagu dilay 25 ruux ayaa ka dhacday magaalada Nayaala ee gobolka Daar-Fuur, waxaana sido kale ku dhaawacmay 63 kale.
Duqeymahan si rasmi ah uma cadda cidda dhabta ah ee fulisay, balse kama foga kooxaha dagaalka kula jira ciidanka Suudaan iyo askarta xukuumadda wadankaasi lafteeda.