Tuesday, July 1, 2025
HomeAll NewsIngariiska oo Ballaarinaya Awoodda uu ku Leeyahay Qaaradda Afrika.

Ingariiska oo Ballaarinaya Awoodda uu ku Leeyahay Qaaradda Afrika.[WARBIXIN]

Sannadihii u dambeeyay waxa isasoo tarayay hadal haynta iskaashi amni iyo mid milatari oo kor loogu qaadayo saameynta juquraafiyadeed ee uu Ingiriisku ku leeyahay qaaradda Afrika, isaga oo ka faa’iidaysanaya shabakad isku xiran oo ka kooban kuwo bixiya tababarro milatari iyo kuwo  ka qayb qaata hawlgallada ammaanka ee waxa loogu yeero qaramada midoobay ay ka wadaan dalalka qaaradda Afrika.

Ka bixitaanka Ingiriiska ee midowga Yurub ayaa ka dhiganaa isbedel muhiim ah, taas oo ku kaliftay Landhan in ay dib u dhisto shabakadeeda isbahaysi ee ay la leedahay caalamka, iyada oo cusboonaysiinaysa  dawrkeeda istiraatijiyaddeeda ee ay ku leedahay caalamka.

Bishii Maarso ee sanadkii 2021-kii, Ra’iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska Booris Joonson ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu  dib u eegis ugu samaynayo ballaarinta  arrimaha siyaasadda dibadda iyo amniga ee dalkaas, taas oo diirada lagu saarayo istaraatiijiyada Iingriiska ee 2030-ka.

Saamaynta sii kordheysa ee qaaradda Afrika ay ku leeyihiin dawladaha sheegta inay yihiin quwadaha caalamka ayaa sidoo kale ku kaliftay Ingiriiska inuu raadiyo dawr firfircoon oo uu ku yeesho maalgashiyada qaradda. Daraasad uu soo saaray machadka Royal Yunaytedh Sarfis Inistutuyuut ayaa tooshka ku ifisay waxa uu ku tilmaamay “jawi caalami ah oo sii kordhaya” taas oo caqabad ku ah istaraatiijiyada Landhan ee Bariga Afrika.

Ingriiska ayaa horay usoo bandhigay tababaro gaar ah oo uu u fidiyay ciidamada dalalka Afrikaanka ah, si ay wax uga qabtaan caqabadaha amniga iyo ka qayb qaadashada howlgallada lagu sheego nabad ilaalinta. Warbixin lagasii daayay warbaahinta dalkaas sanadkii 2017-kii  ayaa tilmaamtay in saddex-meelood laba ka mid ah wadarta guud ee kooxda tababarka muddada-gaaban ee Ingiriiska lagu qarash gareeyay qaaradda Afrika.

Soomaaliya ayaa kamid ah goobaha istaraatiijiga ah ee uu Ingiriisku diirada saarayo, isaga oo sheegay inuu si gaar ah awood ugu bixinayo taageeridda iyo horumarinta ciidamada dawladda fadaraalka, ka qayb qaadashada howlgallada gaarka ah iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah.

Marin-biyoodyada ku yaalla qaaradda Afrika ayaa kamid ah goobaha ay sida gaarka ah boqortooyada Ingiriisku isha ugu hayso, iyada oo isku dayaysa inay xakamayso dhaqdhaqaaqyada ammaanka ee gacanka Gini iyo marin biyoodka Baabul-mandab, kuwaas oo udub dhexaad u ah tamarta iyo amniga ganacsiga Ingiriiska.

Halkaan ka Degso Warbixinta Ingariiska

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.