Ingiriisku waxa uu u muuqdaa in isaga iyo waddamada kale ee Yurub ay hadda si dhab ah u garwaaqsadeen culayska weyn ee ka dhashay go’aankii Ingiriisku uu ugaga baxday Midowga Yurub, kaas oo lagu magacaabo heshiiskii Biriksit. Kaddib sannado adag oo ay jireen khasaare dhaqaale, jahawareer siyaasadeed iyo xiriir xumo dhinaca ganacsiga ah, labada dhinac ayaa hadda u muuqda kuwo doonaya in ay bog cusub furaan, isla markaana heshiis dib u hagaajin ah ka gaaraan xiriirkooda si loo yareeyo dhaawacyadii hore loogana faa’iidaysto fursadaha cusub ee iskaashi.
Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Kiir Sataarmar, ayaa kulan toos ah magaalada Landhan kula yeeshay shalay Isniintii madaxda Midowga Yurub, waana markii ugu horreysay oo kulan la isugu yimaado tan iyo markii uu Ingiriisku ka baxay wadamada Midowga Yurub, taas oo ku beegan Shan sano ka hor. Kulankan ayaa la sheegay, in ujeedkiisu yahay in la xalliyo khilaafaadka soo kala dhex galay labada dhinac, kaas oo saameeyay isu socodkii ganacsiga.
Sataarmar waxa uu sheegay, in uu ku dhow yahay gaarista heshiis muhiim ah oo uu la galo Midowga Yurub, kaas oo ifafaale cusub u horseedi kara dhaqaalaha Ingiriiska. Mas’uulkan ayaa tilmaamay in heshiiskan uu noqon doono tallaabo dhab ah oo lagu hirgelinayo ballanqaadkii doorashada ee xisbiga talada haya, kaas oo ahaa in dib u habayn lagu sameeyo xiriirka la jaray ee Midowga Yurub iyo in la soo afjaro qalalaasihii siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka dhashay heshiiskii Biriksit, isaga oo muujinaya rajo iyo kalsooni, wuxuu sidoo kale xusay in heshiiskan cusub uu noqon doono furaha soo kabashada iyo xasilloonida dalka.
Inkasta oo Ingiriiska iyo Midowga Yurub ay muujiyeen rabitaan cusub oo ku aaddan in la dhiso xiriir miro-dhal ah, haddana mar kasta oo ay kulan iskugu yimaadaan, waxa furma xiisada gorgortan adag oo leh dareen siyaasadeed oo sareeya. Toddobaadyadii la soo dhaafay, labada dhinac ayaa si taxadar leh uga wadahadlayay tafaasiisha heshiis cusub, iyaga oo xoogga saaraya iskaashi difaac oo rasmi ah. Waxa kale oo ay raadinayaan is-afgaradyo wadajir ah oo ay labada dhinacba ku sameeyaan tanaasulaad la xiriira kalluumeysiga, xakamaynta cuntada iyo wax-soo-saarka beeraha iyo fududeynta dhaq-dhaqaaqyada xuduudaha Yurub.
In kasta oo ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Kiir Sataarmar uu ku adkaysanayo qaadashada hab macquul ah oo loo maareeyo siyaasadda ku wajahan xiriirka uu la yeelanayo dawaladaha Midowga Yurub, ayaa dhanka kale mas’uuliyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeedaha ajandahan waxa ay ka digayaan wax ay ugu yeereen “khiyaanada caqiidada heshiiskii Biriksit”, iyaga oo sheegay in ay arrintani dib u soo noolayn karto faragelintii siyaasadeed ee Midowga Yurub.
Hogaamiyaha Xisbiga mucaardka, haweenayda lagu magacaabo Kiimii Baadiinuuk, ayaa si cad u muujisay inay ka soo horjeedo heshiis kasta oo ka hor imaanaya kii Biriksit, iyada oo ku hanjabtay inay jebin doonto haddii xisbigeedu uu qabto talada dalka. Waxayna ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ku eedaysay inuu ka tanaasulay mabda’a madax-bannaanida buuxda ee dalkiisa, isagoo doorbiday heshiisyo ay ku jiraan dib u soo celinta saameynta Midowga Yurub.