Monday, June 16, 2025
HomeAll NewsInka Badan 100 Qof oo Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Dalka Nigeria.

Inka Badan 100 Qof oo Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Dalka Nigeria.

Wadanka Nayjeeriya ayaa lagasoo sheegayaa, inuu ka dhacay weerar ay fuliyeen dablay hubaysan oo aan haybtooda la garanayan, kuwaas oo dil iyo barakac u gaystay dad beeraley ah oo ku sugnaa magaalada Yelwata ee gobalka Benuwe ee dhaca Bartamaha-waqooyi ee dalka Nayjeeriya.

Ugu yaraan Boqol qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkaas, kaas oo socday lagasoo bilaabo fiidkii jimcaha illaa shalay subixii, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo madax bannaan oo kasoo warama dalkaas.

Warar isasoo taraya ayaa sheegaya, in dayblayda hubaysan ay dadkaas ku toogteen gudaha magaalada, halka qaar kalana ay ku gubeen guryahooda oo ku yaallay duleedyada magaalada uu xasuuqan ka dhacay, taas oo saamayn ku yeelatay dadkii beeralayda ahaa ee ku sugnaa hareeraha magaalada, sida ay sheegeen hay’adaha sheegta inay u doodaan xuquuqda aadanaha.

Marka lagasoo tago khasaaraha nafeed, weerarkan ayaa sababay barakac xooggan iyo burbur baaxad leh. Waxaana la gubay tiro badan oo guryo ah, iyada oo dadka deegaanka ay sheegeen in dhimashadu ay kor u dhaafi karto Boqol ruux, islamarkaana ay jiraan meydad hor leh oo laga helayo guryaha la gubay, halka ay sidoo kale jiraan dad wali lagu layahay nolol iyo geeri.

Qaar kamida dadka deegaanka oo ka badbaaday weerarkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in xubno ka tirsanaa qayskooda ay ku dhinteen dhacdadan, kuwaas oo si bareera loo gubay, kaddib markii ay isku dayeen inay ka baxsadaan dablayda hubaysa ee weerarka gaysatay.

Dhacdadan ayaa qeyb ka ah silsilado weerarro ah oo muddooyinkii dambe lagu dilay boqolaal qof oo u badan dad beeraley ah. Bishii la soo dhaafay oo kaliya, waxaa la diwaan galiyay dhimashada ugu yaraan Laabaatan qof oo lagu dilay deegaan kale oo isna dhaca isla gobalkan, kaas oo ay fuliyeen koox hubaysan oo aan lagaran haybtooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.