Monday, May 5, 2025
HomeAll NewsInka Badan 30 Qof oo Shuhado iyo Dhaawac ku Noqday Duqeymo ka...

Inka Badan 30 Qof oo Shuhado iyo Dhaawac ku Noqday Duqeymo ka Dhacay Qazza.

Gumaystaha arxanka daran ee Yahuudda ayaa barqanimadii maanta xasuuqyo cusub ka geystay magaalooyinka Qazza   iyo Bayt Laahiya oo ku wada yaalla waqooyiga marinka Qazza , sida ay soo tabiyeen wariyaal ka hawlgalo xaydaabka go’doonsan ee Qazza.

Kooxaha gurmad degdegga ah ee Marinka ayaana soo saaray shahiidka illaa 15 qof oo shacab ah iyo dhaawaca 10 kale, kadib markii ay Yahuuddu weerar dhanka cirka ah ku qaaday saddex guri oo ku yaalla xaafadda Al-Karaama ee waqooyi-galbeed ee magaalada Qazza .

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay, shahiidka afar ruux, iyo dhaawaca shan qof, halka tiro kalena lagu la’yahay burburka hoostiisa, kadib markii diyaaradaha gumaystaha Yahuuddu ay duqeymo wuxuusnimo ah la eegteen guri ay deganaayeen dad rayid ah oo ku yaalla magaalada Bayt Laahiya, oo dhacda koonaha waqooyi ee marinka Qazza.

Dhinaca Koonfurta Marinka Qazza , ilo-caafimaad ayaa soo sheegaya, shahiidka iyo dhaawaca dhowr qof oo rayid ah oo ka dhashay duqeymaha ay Yahuudu ka waddo magaalada Khaan Yunis.

Waxaa intaasi dheer, in ciidamada Yahuudda ay duqeymo  culus oo dhanka cirka ah iyo madaafiicba ku garaacayaan duleedyada magaalada Cabasaan Al-Kabiirah, ee bariga Khaan Yuunis, iyadoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha ay geysanayaan duqeymahaasi.

Dhankooda, warbaahinnada Falastiiniyiinta ayaa ku waramay, in gumaystaha uu madaafiic la beegsaday deegaanada waqooyi ee mukhayamka Nusayraad ee bartamaha marinka Qazza , kaas oo maalmihii lasoo dhaafay marti galinayay xasuuqyo ay shuhado iyo dhaawac ku noqdeen dad farabadan oo u badnaa caruur iyo haween.

Arimahaan ayaa kusoo beegmayo, iyadoo galabnimadii shalay oo Axad ahayd, ay ilo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan Marinka go’doonsan ee Qazza ay sheegeen, in illaa 23 qof oo shacab ah ah ay ku shahiideen duqeymo uu gumaystuhu ka geysatay deeganno kala duwan oo ka tirsan marinka Qazza.

Iyagoo sidoo kale, diiwaan geliyay shahiidka 10 qof oo shacab ah, kuwaas  oo dhamaantood ku baxay duqeyn ay diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leedahay Yahuuddu ku qaaday teendho ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka magaalada Khaan Yuunis.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.