Tuesday, June 24, 2025
HomeAll NewsInka Badan 40 Ruux oo ku Dhimatay Shil ka Dhacay Dalka Mexico.

Inka Badan 40 Ruux oo ku Dhimatay Shil ka Dhacay Dalka Mexico.

Maalintii shalay oo Sabti ahayd waxaa gobolka Tabasco ee ku yaalla koonfurta dalka Mexico ka dhacay, shil sababay dhimasho badan.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari Bas ah iyo mid xamuul ah, waxaana ku dhintay dad gaaray 41 Ruux.

38 kamid ah dadka dhingtay waxaa la sheegay iney ahaayeen rakaabkii saarnaa Bas-ka, halka sedaxda kalena ay yihiin labo qof oo darawallo ka ahaa gaariga Bas-ka iyo wadihii gaariga Xamuulka.

Asal ahaan baabuurka Baska waxaa saarnaa 48 ruux, waxaana dhintay 40 kamid ah oo ay ku jiraan labadii darawallada ahaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.