Tuesday, April 22, 2025
HomeAll NewsInka badan 40 Ruux oo ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka Geysatay...

Inka badan 40 Ruux oo ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka Geysatay Marinka Qazza.

Ilo-wareedyo dhanka caafimaadka ah ayaa  subaxnimadii hore ee maanta u sheegay warbaahinta, in 42 ruux oo rayid ah ay ku shahiideen Marinka Qazza 24-kii saac ee la soo dhaafay, kadib markii gumaystaha Yahuudda uu duqeymo isdaba jog ah ku qaaday deegaanno badan oo ka tirsan xayndaabka go’doonsan ee Qazza.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in sagaal qof oo rayid ah oo ay ku jiraan labo dumar ah iyo labo caruur ah ay shahiideen, halka shan iyo toban kalena ay dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha Yahuudda ay duqeeyeen guri ku yaalla magaalada Khan Yuunis ee Koonfurta marinka Qazza.

Taas oo dadka ku shahiiday duqeymaha joogtada ah ee ay Yahuuddu ku hayso magaalooyinka Qazza iyo Khan Yunis tan iyo waaberigii maanta ka dhigayso 14 qof, sida ay tibaaxayaan xogaha laga helaya halkaasi.

Sidoo kale diyaaradaha Yahuudda ayaa duqeymo la eegtay guri ku yaalla xaafadda Atuffah ee bariga magaalada Qazza, waxaana ku shahiiday labo ruux oo shacab ah halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Iyadoo lasoo warinayaa, in dadka dhaawaca ah loo gudbiyay qeybta gargaarka deg-dega ah ee xarunta caafimaadka ee Al-Shifa magaaladaasi, halka kooxaha gurmadka ah ay dhibaato ku qabaan samata bixinta dadka ku hoos jira burburka dhismayaasha la beegsaday.

Dhanka magaalada Deyrul Balax ee bartamaha marinka Qazza, waxaa ku shahiiday Laba qof oo rayid ah, kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn oo ay Yahuudda leedahay ay beegsatay goob ay ku ku kulunsanaayeen dad shacab ah. Iyadoo meydadka labadaasi shahiidna loo gudbiyay isbitaalka shuhadaa’u Al-Aqsaa.

Geesta kale, Kumanaan kamida shacabka Yahuudda ayaa dibad baxyo ka dhigay magaalada Talla’biib, kuwaas oo dalbanayay, in uu iscasilo ra’iisul wazaaraha Yahuudda Binyimiin Natayaahu, docda kalana si degdeg loogu soo daayo maxaabiistooda ku xiran Marinka Qazza, sida ay ku warrantay warbaahinta Yahuudda.

Kanaalka 12 ee Yahuudda ayaana sheegay, in booliska Yahuudda ay galabnimadii shalay xoog ku kala eryeen tiro dad ah oo mudaaharaadayey, isla markaana ay xireen dhowr ka mid ah dadkaas.

Waxaa xusid mudan, in maamulka Yahuudda ee uu majaraha u haayo Natanyaahu uu maalmaahan danbe wajahahayay khalkhal iyo fatqaladooyin siyaasadeed oo gudahaiisa ah, iyadoo madaxdii hore ee Sahaayinada ay ka digayaan dagaal sokeeya oo ka dhex qarxa kayaankaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.