Gumaystaha arxanka daran ee Yahuudda ayaa saaka xuuqyo iyo majaazir ay dad badan shuhudo iyo dhaawac ku noqdeen ka geystay marinka go’doonsan ee Qazza.
Ilo wareedyo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan marinka Qazza ayaa warbaahinta Al-Jaziira u sheegay, in saaka oo kaliya ay xayndaabka Qazza ku shaheedeen 63 qof oo rayid ah, halka tobanaan kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii Yahuuddu ay silsilado weerarro ah ku qaaday gooba kala duwan oo ka tirsan marinka Qazza.
Goobaha ugu badan ee saaka marti galiyay duqeymaha kayyaanka Yahuudda waxaa kamida, Magaalada Khaan Yuunis, magaalada Jabaaliyal-Balad ee waqooyiga Marinka Qazza, Xaafadda Attuffaax ee bariga magaalada Qazza, deegaanka Banii Suhayla ee bariga Khaan Yuunis, Dayrul-Balax iyo bartamaha magaalada Qazza.
Magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta Marinka Qazza oo kaliya waxaa saaka ku shahiiday 26 qof oo shacab ah oo ay ku jireen haween iyo carruur, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo iyagana u badnaa haween iyo caruur, kadib markii diyaaraha Yahuuddu ay duqeymo cadawtooyo la beegsadeen siddeed guri oo ku yaalla magaaladaas.
Muqaal kooban oo aad ugu faafay Baraha Bulshada lagana soo qaaday majzaradii saaka ka dhacday magaalada Khaan Yuunis, ayaa lagu daawan karaa kooxaha gurmadka degdegga ah oo ku hawlan inay maydad shuhada iyo dhaawaca kasoo saaraan burburka hoostiisa, iyadoo sidoo kale muqaalka lagu arki karo, caruur farabadan oo kusoo xoomayo goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen, kuwaas oo u muuday kuwa ay waalidiintooda ku shahiideen halkaas. Codka
Sidoo kale magaalada Jabaaliyal-Balad ee waqooyiga marinka Qazza ayay Yahuuddu duqeymo wuxuusnimo ka geysatay saaka, halkaas oo ay ku shahiideen 7 qof oo shacab ah, sida ay kusoo warameen wariyaal ku sugan halkaas.
Haddaan intaasi kagag gudubno duqeymaha gumaystaha Yahuudda, galabnimadii shalay oo Arbaco ahayd weerar toogasho ah oo khasaare geystay ayaa ka dhacay goob Yahuudda lagu deegaameeyay oo ku taalla Daanta Galbeed, iyadoo muqaawamad Falastiin ay war kasoo saartay weerarkaas.
Weerarkaan oo si gaar ah uga dhacay goob Yahuudda lagu deegaameeyay oo u dhow magaalada Buruuqiin, ee dhcda galbeed magaalada Salfiit ee Daanta Galbeed, ayaa six un loogu dhaawacay labo qof oo Yahuud ah, sida ay sheegeen Kooxaha gurmadka degdegga ah ee kayyaanka Yahuudda.
Idaacadda ciidamada Yahuudda ayaa sheegtay, in howlgalkan uu ahaa kii afaraad muddo afar bilood gudahood ah oo isla deegaankaas laga fuliyo, iyadoo tibaaxday, in ragii fuliyay afarta hawlgalba ay u suurta gashay inay isaga baxsadaan goobta.
Dhankiisa, Abuu Cubeyda, oo ah afhayeenka muqaawamada Falastiin ayaa boogaadiyay howgalkaan isagoo qoraal uu soo dhigay Bartiisa Telegaraamka, ku yiri “Waxaan boogaadinaynaa howlgalkii geesinimada lahaa ee ka dhacay meel u dhow magaalada Buruuqiin ee galbeedka Salfiit , oo ay fuliyeen geesiyaasha dadkeena ku nool Daanta Galbeed.” Ayuu yiri Abuu Cubeyda isaga oo aan tafaasiil dheeraad ah ka bixinin hawlgalkaas.
Abuu Cubeyda ayaa qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay baaq u diray Shacabka reer Falastiin ee ku nool Daanta Galbeed wuxuuna yiri “Waxaan ugu baaqaynaa dadkeena inay ka dhiidhiyaan gumaysiga si ay u difaacaan masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa, ugana hortagaan gardarada ka socota Daanta Galbeed iyo mukhayyamaadkeeda, iyo inay u gargaaraan ehelkooda aamusan ee lagu xasuuqayo Qazza”.
Wararkana ayaa kusoo aadayo, iyadoo muqaawamada Falastiin ay galinkii danbe ee talaadadii ina dhaaftay gantaallo ku garaaceen qaybo kamida magaalooyinka ay Yahuuddu gumaysato ee Falastiin.