Wararka ka imaanaya dalka Liibiya ayaa sheegaya, in xeebaha dalkaas lagu la’yahay tiro tahriibayaal ah, kuwaas oo ka ambabaxay dalka Liibiya kunasii jeeday wadamada qaaradda Yurub, iyaga oo adeegsanaya doomo yaryar oo aan xamili karin safar dheer oo maalmo qaata.
In ka badan 60 qof oo tahriibayaal ah ayaa lagu waayay xeebaha dalka Liibiya maalmihii lasoo dhaafay, kuwaas oo ay la qarqoontay labo dooni oo ay saarnaayeen, sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah iyo dad goob-joogayaal ah oo ku sugan xeebaha ay ka baxeen tahriibayaashan.
Doonida koowaad ayaa dagtay dabayaaqada isbuucii ina dhaafay, taas oo siday ku dhawaad 30 qof oo tahriibayaal ah iyo tiro kamida shaqaalaha doonta, waxayna ku degtay meel u dhow dekadda Shicaab ee magaalada caasimada ah ee Tiriboli. Waxaa la xaqiijiyay in 21 qof la waayay, halka 5 kale la badbaadiyay. Dadkan tahriibayaasha ah ayaa kasoo kala jeeday dalal ay ka mid yihiin Eratariya, Bakistaan, Masar iyo Suudaan, waxaana lagu waramayaa in Saddex dumar ah iyo Saddex caruur ah ay kamid ahaayeen dadka la waayay, kuwaas oo loo badinayo intooda badan in ay dhinteen.
Doonida labaad ayaa iyaduna qarqoontay isla maalintii xigtay, waxayna ku dagtay meel u jirta qiyaastii 35 Kiiloomitir galbeedka magaalada Dubruq, sida laga soo xigtay mid kamida dadka tahriibayaasha ah ee ka badbaaday doonida, kaas oo ay heleen dad kaluumaysato ah oo ka agdhawaa halka ay doontu ku qarqoontay.
Waxaa doontan saarnaa qiyaastii 40 qof, iyada oo la xaqiijiyay in 39 kamid ah la waayay. 3 kamida dadkaas ayaana maalmo kaddib maydkooda laga helay xeebaha magaalada Dubruq, kuwaas oo aan weli la aqoonsan. Waxaana jirta cabsi laga qabo in tirada dhimashadu ay sii korodho maadaama aan weli la helin tahriibayaasha la la’yahay, sida ay sheegeen dadka ku hawlan samata bixinta dadka ay doonyuhu la qalibmeen oo in kabadan Isbuuc ku jira badda.
Tan iyo bilowgii sanadkan, waxaa la xaqiijiyay in inka badan 700 oo tahriibayaal ah ay ku nafwaayeen doonyo ku dagay badda Madhitareeniyanka, gaar ahaan inta u dhaxaysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, oo la aaminsan yahay inay tahay halka ugu dhimashada badan dunida marka laga hadlayo tahriibayaasha.