Gumaystaha dulmiga badan ee Yahuudda ayaa sii wada beegsiga ay ku hayaan xeryaha barakacayaasha, xarumaha caafimaadka iyo guryaha dadka rayidka ah ee ku yaalla marinka go’doonsan ee Qazza, iyadoo dhawaan ay sheegtay dowladda Mareykanka inuu gumaystaha aqbalay xabad-joon kumeel gaar ah oo ka hirgasha jiidda Qazza.
Wararka maanta oo Khamiis ah naga soo gaaraya marinka Qazza ayaa ku waramay, in diyaaradaha cadawga Yahuudda ay duqeymo waxuushnimo ku qaadeen iskuul ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku yaalla galbeedka magaalada Qazza, waxaana inta la xaqiijiyay ku shahiiday duqaymahaas, Kow iyo Toban qof oo rayid ah, kuwaas oo ay ku jireen haween iyo carruur.
Xogaha ayaana intaasi ku daraya, in weerarka kadib uu dab xoogan ka kacay gudaha Iskuulka, kaasoo gubay tiro dad ah oo barakacayaal ah iyo agabkii ay wateen.
Sidoo kale, Lix qof oo shacab ah ayaa ku shahiiday weerar ay Yahuuddu ku qaadday dad gaajo darteed isugu soo baxay meel u dhow isgoyska Netsaarim ee koonfurta magaalada Qazza.
Gabaldhicii shalay oo Arbaco ahayd, Labaatan qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday tobaneeyo kalena way ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaarahada cadawga Yahuuddu ku qaadeen magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta Marinka Qazza iyo koonfurta Waadiga Qazza.
Wasaaradda caafimaadka ee maamulka marinka Qazza ayaa shaaca ka qaaday, in maalintii shalay duqeymo ka dhacday magaalada Qazza uu ku geeriyooday agaasimihii cisbitaalka Indonesiya ee ku yaalla magaalada Beyt Lahiya ee Marinka Qazza, kaas oo lagu magacaabi jiray dhaqtar Marwaan Suldhaan.
Waxay xustay wasaaraddu, in diyaaradaha Yahuudda ay duqeymo la beegsadeen guri uu dhaqtarka ku lahaa galbeedka magaalada Qazza, taas oo sidoo kale sababtay inay ku shahiidaan, xaaskiisa iyo shan xubnood oo qoyskiisa kamid ahaa.
Dadka ku shahiiday duqeymaha ay Yahuuddu ka fulisay Marinka Qazza tan iyo waabarigii maanta oo Khamiis ah ayaa gaaraya 63 qof oo ay ku jireen 28 ka mid ah dad ay gaajo kasoo saartay guryahooda, sida ay sheegeen howlwadeennada caafimaadka ee ku sugan cisbitaallada Qazza.
Geesta kale, Muqaawamada Falastiin ayaa shaaca ka qaaday, inay daraaseynayn iyo turxaan bixin ku wadaan hindiseyaal cusub oo ay ka heleen dhexdhexaadiyeyaasha xabbad joojinta la filayo inanay ka dhaqan gasho marinka go’doonsan ee Qazza.
Muqaawamada Falastiin ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, in dhexdhexaadiyayaashu ay wadaan dadaallo xooggan oo lagu doonayo in lagu gaaro heshiis guud, iyo in la bilaabo wareegyo wada-xaajoodyo dhab ah.
Muqaawamada ayaa intaa ku daray, inay wadaan wadatashiyo ay kaga hadlayaan soo jeedinta dhexdhexaadiyayaasha, si loo gaaro heshiis dammaanad qaadaya soo afjarida cudwaanka Yahuudda, xaqiijinta ka bixitaanka ciidamadooda duulaanka ku jooga marinka Qazza, iyo bixinta gurmad deg deg ah oo loo fidinayo shacabka ku nool marinka go’doonsan Qazza.
Shalay ayay ahayd markii madaxwaynaha Mareykanka Doonal Taraam uu shaaciyay inay Yahuuddu aqbashay xabad-joojin soconayso 60 maalmood oo ka hirgasha jiidda Qazza, isagoo sheegay, inuu aad u rajaynayo inay aqbalaan muqaawamada Falastiin.