Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsInkabadan 20 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay...

Inkabadan 20 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Balcad.

Maalintii shalay duleedka degmada Bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa dhowrjeer ka dhacay dagaal lagu jebiyay ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo lagu gaarsiiyay khasaare baaxad leh.

Faahfaahin ayaa laga helayaa dagalladii shalay ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidanka Dowladda Fedaraalka.

Ugu yaraan 14 askari oo ay sedax sarkaal ku jiraan ayaa lagu dilay dagaalladaasi, waxaana kamid ahaa sarkaal katirsanaa ciidanka Bangaraafta oo lagu magacaabijiray Sayid Cali, halka sido kale lagu dhaawacay 9 kale.

Goobihii lagu dagaallamay ayaa nabdoon, waxaana ku sugan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.