Maalintii shalay taageerayaasha madaxweyihii xilka laga tuuray ee Kuuriyada Koonfureed ayaa weerar ku qaaday, maxkamad ku yaalla magaalada Sool caasimadda wadanka Kuuriyada Koonfureed, taasoo lasoo taagay madaxweynihii xilka laga qaaday.
Tageerayaasha ninkan ayaa ka carooday xabsi dheeraad ah gaaraya 20 maalin islamarkaana ay maxkamaddu ku xukuntay ninkan madaxweynahan hore ee maxbuuska ah, waxayna gudaha ugaleen maxkamadda, iyagoo ka adkaaday ilaaladii halkaasi joogtay burbur xooggan ugeystay, dhismaha maxkamadda ee ay weerareen.
Kadib Booliska Kuuriyada Koonfureed ayaa ciidamo dheeraad ah halkaasi udiray, wuxuuna iska hor imaad xooggan dhexmaray ciidankii iyo taageerayaasha, halkaasi waxaa booliska looga dhaawacay 9 askari, halka askartuna ay dadkii taageerayaasha ahaa kasoo saareen gudaha maxkamadda, islamarkaana xireen 46 kamid ah.
Yuun Suuk Yuul ayaa xilligan wajahaya baaritaan hor leh wuxuuna ku xiran yahay qol ugaar ah, isagoo loola dhaqmayo sida nin maxbuus ah.
Kiiska loo heysto ninkan haddii lagu xukumo ninkan waxay xeerarka ku dejisan dowladdaasi dhigayaan in la toogto, taasi ayaana ah cabsiyda ugu weyn ee heysta Yuun Suuk Yuul.