Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Tarabuush ee degmada Wadajir ka dhacay, iska hor-imaad culus oo dhexmaray ciidamo kawada tirsan Dowladda Fedaraalka.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaan ku dhintay 4 askari oo ka kala tirsan labada dhinac, waxaana uu dagaalku yimid kadib markii askar katirsan ciidanka loo yaqaanno Boliis Millataariyo ay weerarku qaadeen ciidamo kale oo ku sugnaa xaafadda.
Ciidamada weerarka soo qaaday oo ku socday amar kasoo baxay Dowladda Fedaraalka islamarkaana watay gaaadiidka cagafta ayaa waxa ay doonayeen, iney burburiyaan guryo ku yaalla xaafadda.