Thursday, May 15, 2025
HomeAll NewsIska Hor-imaadyo Cusub oo Markale ka Dhacay Caasimadda Liibiya ee Tiriboli.

Iska Hor-imaadyo Cusub oo Markale ka Dhacay Caasimadda Liibiya ee Tiriboli.

Members of the Libyan armed unit, 444 Brigade, backing the Government of National Unity (GNU) and its Prime Minister Abdulhamid al-Dbeibah, set up a checkpoint as smoke rises in the background in Ain Zara area in Tripoli, Libya, July 22, 2022. REUTERS/Hazem Ahmed

Waxaa wali kacsan xaaladda magaalada Tiriboli ee caasimadda Liibiya, halkaas oo ay maalmahaan ku dagaalamayeen dhinacyo isku haayo talada dalkaas.

Dad goob joogayaal ah ayaana sheegay, in dhawaqa rasaasta ay si aan kala go’ lahayn ay wali uga socoto magaalada Tiriboli. Halka xaafado badan oo ka tirsan caasimadda lasoo dhoobay ciidamo farabadan oo iska soo hotjeeda, iyadoo ay macquul tahay in dagaallo aad u culus ay ka dhacaan halkaas.

Booliiska dalka Liibiya ayaa sheegay, in tiro maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla caasimadda, kadib iska hor-imaadyo ka dhacay magaalada Tiriboli, iyagoo intaasi ku daray, in dab uu ka kacay mid ka mid ah xarumaha hay’adda la dagaalanka socdaalka sharci darrada ah ee ku taalla caasimadda Liibiya, kaas oo uu sababay dagaallada ka socda magaaladaas.

Magaalada Tiriboli ee caasimadda dalka Liibiya ayaa waxaa maalmahaani ku dagaalamayay awoodo ku loolamaya talada dalkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.