Madaxweynaha dowladda Jabuuti ayaa Imaaraat-ka Carabta ku eedeeyay iney sabab utahay xasilooni-darrada ka jirta geeska Afrika.
Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynaha xukuumadda Jabuuti oo warramay warbaahinta radio france internationale, ayaa ka hadlay kaalinta ay dowladda Imaaraat-ka Carabta ku leedahay xasilooni-darrada ka jirta dalal dhaca qaaradda Afrika.
Wuxuu sheegay in dowladdan dhaqaalaha ay ku bixineyso dalalkan ay ka leedahay ujeedooyin millateri iyo iney isku ballaariso joogitaankeeda qaaradda.