Masuuliyiin katirsan dowladda Itoobiya oo la hadlay warbaahinta Ingiriiska ayaa ka hadlay, kaalinta iyo booska uu agtooda ka joogo Axmed Madoobe oo xilligan ah madaxweynaha maamulka labaxay Jubbaland ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo.
Safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya iyo Taliyihii ciidamada Itoobiya horkacayay duullaankii 2006-da ayaa ka hadlay, sida 19 sano kahor ay gacanta ugu dhigeen Axmed Madoobe oo xilligaas kamid ahaa madaxdii Maxaakiimta Islaamiga, uguna guuleysteen iney ka saaraan fakarkii uu xambaarsanaa, oo ay uga dhigaan shakhsiyad daacad u ah danaha iyo damaca Itoobiya ay ka leedahay Soomaaliya.
mabasadoor Wondomu Asamenew oo ahaa safiirkii Itoobiya ugu magacaabanaa Soomaaliya ayaa sheegay, in Axmed Madoobe isagoo dhaawac ah ay gacanta ku dhigeen ciidamada Itoobiya, amarna ay u heystaan ciidanka Itoobiyaanka ah inaaney dilin, durbadiina waxaa diyaarad hellicopter ah lagu geeyay magaalada Adis Ababa.
Sida ay tilmaamayaan masuuliyiinta Itoobiyaanka ah ee la hadlay warbaahinta Ingiriiska, waxaa Axmed Madoobe safarka loogu qaaday Adis Aababa wehlinayay Jeneraal Gabre oo ahaa sarkaalkii hogaaminayay ciidamada Itoobiya ee kusoo duuley Soomaaliya 2006-da, waxaana la dhigay isbitaalka milliteriga Itoobiya ee magaalada Adis Ababa.
“Dhiig badan oo Itoobiyaan ah ayaa lagu shubay. Waxaan kuu sheegayaa in dhiigiisu yahay Itoobiyaan, dhiig Itoobiyaan ah ayaa ku jira, geeri ayaa laga soo badbaadiyay, dadaal badan ayaa la sameeyay si uusan u dhiman”. ayuu yiri safiirkii Itoobiya ugu magacaabanaa Soomaaliya Wondomu Asamenew.
Kadib markii ay xaaladiisa caafimaad soo hagaagtay Axmed Madoobe, waxaa la dejiyay hotel ku yaala Adis Ababa, si joogta ahna waxaa uu ula kulmayay ra’iisul wasaarihii hore Meles Zanawi iyo masuuliyiin kale, waqti ayaana la geliyay si looga saaro fakarka Jihaadka ah ee uu xambaarsanaa, sida ay tilmaamayaan madaxda Itoobiyaanka ah ee la hadlay warbaahinta Ingiriiska.
“waa waalaalkeen ee ma aheyn maxbuus, waa saaxiibkeen si weyn ayaan u jecelnahay” ayuu yiri Jeneraal Gabre mar uu ka hadlayay Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha maamulka labaxay Jubbaland.
Shirkii ka dhacay Jabuuti ee ay qeybta ka ahaayeen masuuliyiin katirsanaa Maxaakiimtii Islaamiga oo fakarkooda bedelay ayaa laga qeybgeliyay Axmed Madoobe, Gabre ayaana la ahaa ka dhaadhicinta siyaasiyiinta halkaas ku kulmay in Axmed Madoobe lagu daro shirka, wuxuuna Jabuuti kasoo tagay isagoo ah xillibaan katirsan Dowladdii kumeel gaarka ahayd.
Badi Siyaasiyiinta Soomaalida ee xilalka ka haya Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa ku xiran dowlado Shisheeye oo ay ugu horeeyaan Kenya iyo Itoobiya, waxaana mudnaanta ay siinayaan fulinta danaha Itoobiya ee Soomaaliya, waana mida keeneysa iney hadda u kala tartamaan in mid weliba uu Itoobiya siiyo badda Soomaaliya, isaguna liiska taariikhda ku galo inuu yahay siyaasigii Itoobiya bad la’aanta ka saaray.