Tuesday, June 3, 2025
HomeAll NewsItoobiya oo Hanjabaad u Dirtay Dowladaha Faragalinta ku Haya Dalkeeda.

Itoobiya oo Hanjabaad u Dirtay Dowladaha Faragalinta ku Haya Dalkeeda.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa waxa ay farriimo udirtay, dowladaha maleeshiyaadka ka hirgaliya gudaha dalka Itoobiya si ay ula dagaallamaan xukuumadda Adis Ababa.

Caa’isha Maxamed oo ah Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sheegtay, in ciidanka Xabashidu ay ka diyaarsan yihiin dhan waliba, aysanna jirin cudud millatari oo dibadda uga imaata oo ugu awood sheegan karto gudaha Itoobiya.

Waxa ay intaas ku dartay, in ciidamadooda aysan ku mashquulneyn maleeshiyaadka ay ku sifeysay kuwa lasoo qalday, balse ay la dagaallami doonaan kooxaha ka dab qaadanaya Shisheeyaha.

Halkaan ka Degso Warka Itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.