Tuesday, April 22, 2025
HomeAll NewsItoobiya oo Hub ka Dajisay Kismaayo Diyaaradna ku Qaaday Masuuliyiin Katirsan Maamulka...

Itoobiya oo Hub ka Dajisay Kismaayo Diyaaradna ku Qaaday Masuuliyiin Katirsan Maamulka Jubbaland.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ka degay diyaarad milliteri oo ay leedahay dowladda Itoobiya, taasoo ay wararku tilmaamayaan iney siday saanado hub ah oo ay Itoobiya ugu talogashey maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Diyaaradda ka degatay Kismaayo ayaa ah noocyda waaweyn ee xamuulka, waxaana la sheegayaa iney kasoo duushey magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Markii ay diyaaraddu timid magaalada Kismaayo, waxay halkaasi ka qaaday masuuliyiin iyo siyaasiyiin katirsan maamulka labaxay Jubbaland, kuwaasoo ay geysay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in madaxda maamulka labaxay Jubbaland ee ay diyaaraddu qaaday, lagu wado iney usii gudbaan gudaha dalka Itoobiya, iyadoo ugu dambeyntiina ay gaari doonaan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo uu kaga horeeyo Axmed Madoobe.

Tallaabada ay Itoobiya diyaarad milliteri ugu dejisay Kismaayo, waxay kusoo aadeysaa iyadoo Dowladda Federaalka ay horey u sheegtay iney mamnuuc tahay in diyaarado ay ka degaan magaalada Kismaayo, wixii ka dambeeyay markii ay is khilaafeen Xasan Sheekh Maxmuud iyo Axmed Madoobe.

Horraan waxaa magaalada Kismaayo uga soo degay diyaarad katimid magaalada Nairobi, taasoo qaaday Axmed Madoobe, waxaana muuqata in dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay si toos ah ula safanyihiin maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Waxaa la isweydiinayaa maadaama dhawaan Dowladda Federaalka ay uga tanaasushey Itoobiya badda Soomaaliya, si aaney u taageerin Axmed Madoobe, waxa xukuumadda Adis Ababa ku qasbay iney Axmed Madoobe hub u geyso, madaxdii ay safarka ka mamnuucday Dowladda Federaalkana ka qaado Kismaayo, waxaase muuqata in Xasan Sheekh uu meel cidlo ah isasoo taagay, dagaalka uu la galay Axmed Madoobena uu ku jabay.

Halkaan ka Degso Warka Kismaayo

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.