Berhanu Jula oo ah taaliyaha ciidamada ee Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa waxa uu ku hanjabay, ineu dagaal adag la gali doonaan cod waliba oo isku dayda in Itoobiya ay ka hos-istaagto helitaanka bad ay Xabashidi xoog kula wareegaan.
Xilli uu ka hor hadlayay guddiga baarlamaanka ee Itoobiya ayaa waxa uu Behanu Jula ka dhawaajiyay, in Itoobiya ay hadda yeelatay ciidan badeed, islamarkaana ay si adag kaga hor tagi doono dadka kasoo horjeeda damaceeda bad boobka ah.
Isagoo sii hadlayay ayuu tilmaamay, in ciidanka millatariga Itoobiya ay hadda u diyaarsan yihiin sidii ay urumeyn lahaayeen rajada ay ku taamayaan dadka Xabashida ah, taas oo ah iney bad helaan.
Halkaan ka Degso Warka Itoobiya