Dowladda Itoobiya ayaa goob madal ah ka sheegtay in ay Soomaaliya usoo direyso ciidankii ay ku qabsan laheyd xeebaha dalka.
Maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho shir ku yeeshay talisyada dowladaha Afrika ee ku bahoobay Ururka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika ee magaciisa loosoo gaabiyo [ESF],
Shirkaan ayaa daaranaa sidii ay dowladaha ku mideysan ururkan xal ugu heli lahaayeen caqabadaha amni ee haysta, balse saraakiishii Itoobiyaanka ahaa ee ka qeyb-gelayay ayaa soo bandhigay qorshe aan ahayn kii ajandaha shirka oo u adeegaya damaceeda gurracan ee ku aaddan xeebaha Soomaaliya.
Waxay goobta shirku ka dhacayay ka sheegeen iney ciidamadooda qeybta ka ah duulanka magaciisa loosoo gaabiyo AUSSOM ay kamid yihiin kuwooda badda, maraakiib, doonyo iyo agabkii ay ku hawlgeli lahaayeenna diyaariyeen.
Saraakiisha Itoobiyaanka ah ayaa shirka ku muujiyay heshiiskii ay Adis Ababa ku kala saxiixdeen Dowladda Fedaraalka iyo xukuumadda Abiy Axmad, markii la kala qeybsanayay ciidanka ka qeybgelaya duulaanka magaciisa loosoo gaabiyo AUSSOM, waxayna sheegeen iney xilligaas ay dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh u ogolaatay iney qeybka noqdaan askarta ay soo direyso kuweeda badda.
Saraakiishii ciidanka Dowladda Fedaraalka ee ka qeyb geliyay shirkaan oo umuuqday mid kuwo lama filaan ku noqotay heshiiskan, ayaa la yaabay warbixinta ay lasoo shirtageen, maadaama ay jiraan heshiiyo badan oo qarsoodi ah oo ay horay usoo galeen wasiirkii hore ee gaashaandhigga iyo madaxweynaha Dowladda Fedaraalka.
Shirka ayaa kusoo dhamaaday buuq iyo sawaxan, iyadoo saraakiisha ay soo dirsatay Itoobiya ay ku dhawaaqeen farriintii loosoo dhiibay.
Arrintan ayaa muujineysa in dowladda Itoobiya ay dooneyso in hirgelinta damaceeda ku aaddan qaadashada baddeenna ugu soo gambaneyso xataa heshiiyada ay la geleyso Dowladda Fedaraalka, si ay ugaarto danta ay leedahay, waana halis hor leh oo kusoo korortay umadda Soomaaliyeed ee la boobayo kheyraadkooda.