Taliyihii ku xigeenkii hore ee hey’adda Sirdoonka Dowladda Fedaraalka C/Salaan Guuleed ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in Dowladda Xabashida Itoobiya ay wado qorshayaal halis galinaya jiritaaanka umadda Soomaaliyeed.
Isagoo soo xiganayaa hey’ado reer-galbeed ah ayuu C/Salaan sheegay, in hoos u dhac ballaaran uu ku socdo biyaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba ee mara Soomaaliya, kadib markii Itoobiya ay xirtay biyihii webiyadaasi kuna leexisay biyo-xireenno waaweyn oo kii u dambeeyey uu dhawaan daah-furay Abiy Axmed oo ah ra’iisal wasaaraha Dowladda Xabashida Itoobiya, taasna aysan Xabashidu ku gaabsane ay marka roobka xooggan da’aan ay mar kaliya soo fasaxdo biyaha.
Itoobiya qorshaheedu aanu ahayn oo kaliya xirista biyaha webiyada balse ay dhanka kale kale ku talo-jirto sidii ay Soomaaliya uga soo xiri lahayd dhanka Badda iyo marinka adduunka ee muhiimka ah ee Baabul-mandab.