Saturday, April 26, 2025
HomeAll NewsJabuuti oo Dadka Itoobiyaanka ah ku Amartay Iney Isaga Baxaan Dalkeeda.

Jabuuti oo Dadka Itoobiyaanka ah ku Amartay Iney Isaga Baxaan Dalkeeda.[DHAGEYSO]

Xukuumadda Jabuuti ee uu Madaxweynaha ka yahay Ismaaciil Cumar Gaalle ayaa dhamaadka bishan afaraad ee 2025-ka qorsheyneysa, iney wadankaasi ka saarto dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan oo kasoo kala jeeda qomiyadaha kala duwan ee Itoobiya.

Dadkan ayaa loo qabtay illaa dhamaadka bishan afaraad ee sanadkan, waana kuwa aan ogolaanshaha haysan ee dalkaasi ku galay habab uu kamid yahay tahriibka.

Itoobiyaaanka ku sugan gudaha Jabuuti ayaa gaaray boqalaal kun oo ruux, waxayna ku dhawyihiin iney ka bataan dadkii udhashay wadanka.

Lataliyaha madaxweynaha Jabuuti oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay iney illaa dhamaadka bishan uqabteen dadka Itoobiyaanka ah, iney isaga baxaan dalkaasi.

Halkaan ka Degso Warka Jabuuti

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.