Kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan askarta dawladda Maali ayaa la kulmay weerar culus oo ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin. Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Alkiit, oo u dhexeeya magaalooyinka Kidaal iyo Anfiis oo dhaca waqooyiga dalkaas, halkaas oo muddooyinkii dambe ay xiisado xooggan ka jireen.
Wararka rasmiga ah ee laga helayo dalkaas ayaa sheegaya, in kolonyada la weeraray ay ka koobnayd illaa afar gaari oo midkood uu ahaa nooca gaashaaman, kuwaas oo kasoo dhaqaaqay magaalada Kidaal iyaga oo kusii jeeday dhanka magaalada Anfiis. Kolanyadan ayaa weerarka la kulantay Intii ay marayeen buuraleyda deegaanka Alkiit, waxayna si lama filaan ah ugu dhaceen kamiin qorshaysan oo si xeel dheer ay u dhigeen Ciidamada Mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.
Dhamaan askartii la socday kolanyadan la weeraray ayaa dhagta dhiiga loo daray, iyada oo ay jihaadiyiintu la wareegeen hubkii ay ku qalabaysnaayeen. Ciidamada dowladda Maali oo dhankooda ka hadlay weerarkan ayaa qirtay in goobta uu ka dhacay dagaal qaraar oo khasaare badan dhaliyay, inkasta oo ay ka gaabsadeen khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamadooda.
Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya, in ciidamada Dawladda Maali ay duqaymo ka fuliyeen goobihii ay dagaaladu ka dhaceen, inkastoo aysan duqaymahaasi gaysan wax khasaare ah. Sidoo kale, helikobter milatari oo ay ciidamada Maali direen goobta ayaa si lama filaan ah ula kulantay rasaas xooggan oo ay mujaahidiintu u adeegsanayeen hubka lidka diyaaradaha, taas oo ugu dambayntii si degdegga ah ugu degtay garoonka magaalada Kidaal.
Hawgalkan dhaba-galka ah ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyaan dalka Maali sanadkan cusub ee Hijriga ah ee 1447, weeraradan ayaana naafeeyay ciidamada dawladda, kuwaas oo ku khasbay inay iskusoo oodaan xerooyin milatari oo lagu gadaamay difaacyo adag.