Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam-Wal oo ka hawgalada wadamada Saaxilka Afrika ayaa qaaday weerarro laayaan ah, kuwaas oo ay ku dileen tiro askar ah oo ka tirsanaa ciidamada dalalkaas, hawgaladan ayaa sidoo kale lagu la wareegay deegaano iyo saldhigyo ciidan oo ku yaalla wadamada Saaxilka.
Dalka Burkiina-Faaso waxay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen weerar qorshaysan oo cagta lagu mariyay xarun ciidan oo ku taalla agagaarka tuulada Kilii ee gobalka Diiduuquu, dagaalkan oo ahaa mid aad u culus ayaa ugu damabayntii keenay in jihaadiyiintu ay gabi ahaanba la wareegaan saldhiga iyo nawaaxigiisa.
Ugu yaraan 3 askari oo kamid ahaa ciidamadii ku sugnaa saldhiga la weeraray ayaa lagu dilay dagaalkan, waxaana mujaahidiinta u suuragashay inay la wareegaan dhamaan hubkii iyo gadiidkii ay ku qalabaysnaayeen askarta la’laayay.
Isla dalkaas waxay sidoo kale mujaahidiinta Jamacada Nusratul Islaam Wal-Musliin hawgal kale ku burburiyeen bar ciidam oo ku taalla halka loo yaqaano Kuunabiinaqaa ee ka tirsan gobalka Kuulabiiluquu ee dalka Burkiina-Faaso.
Dagaal kale oo lagu dilay askar ka tirsan ciidamada Burkiina-Faaso ayaa maalinimadii Isniinta ee ina dhaaftay ka dhacay fariisin ay askarta dalkaas ku lahaayeen tuulada Nangooma ee gobalka Buubuu-juulaaso ee dalkaas.
Waxaana lagu dilay illaa 3 askari, kuwaas oo qayb ka ahaaa askarta lagu weeraray saldhigaas, jihiidiyiinta ayayna u suuragashay inay la wareegaan 20 mooto oo ahaa nooca naba lugooda iyo 3 qori oo Ak-47 ah.
Sawiro aad ugu faafay baraha bulshada oo ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqah oo ah gabarka warbaahineed ee Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa lagusoo bandhigay hubkii laga furtay ciidamada Burkiina-Faaso, kuwaas oo iskugu jiray noocayada kala duwan ee hubka fudud.
Hawgaladan lagu beegsaday askarta dalka Burkiina-Faaso ayaa kusoo beegmaya iyada oo isbuucuu ina dhaafay ay ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ay la wareegeen saldhigyo ciidan oo ay ku sugnaayeen askarta dalkaas, halkaas oo lagu dilay in kabadan 20 askari oo ay ku jireen saraakiishiil ciidan oo hogaaminayay boqolaal askari.