Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa weerarro xooggan ka fuliyeen gobollo ka tirsan dalkaas, kuwaas oo cagta lagu mariyay xarumo ciidan kamiina loogu dhigay ciidamo kolonyo ah oo ku safrayay goobo ay ku xooggan yihiin Jihaadiyiinta. Hawgaladan ayaa sababay khasaaro naf iyo maalba leh, islamarkaana waxay jihaadiyiintu gacanta ku dhigeen tiro badan oo hub iyo gaadiid ah, Sida lagu faahfaahiyay warar kasoo baxay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah oo ku hadasha afka Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.
Weerarka koowaad ayaa dhacay maalinimadii Jimcaha ee lasoo dhaafay, waxaana lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla tuulada Baghamusso oo ka tirsan gobolka Tenkodogo. Waxaana halkaas lagu dilay laba askari oo katirsanaa maleeshiyaadka gacansaarka dhow lalah ciidamada dawladda ee ka dagaalama dalkaas, waxayna sidoo kale mujaahidiintu gacanta ku dhigeen saanad ciidan oo ay ku qalabaysnaayeen ciidamada lagu laayay goobta.
Hawgalka labaad ayaa dhacay maalintii Axadda ee xigtay, waxaana lagu qaaday saldhig kale oo ciidan oo ku yaalla deegaanka Jankungu ee gobolka Didughu. Weerarkan ayaa lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dalkaas, halka ay jihaadiyiintu maxbuus ahaan goobta uga kaxaysteen labo askari oo kale.
Dhanka gobalka Ga’uwa ee isla dalka Burkiina-Faaso gaar ahaan agagaarka tuulada Gonti waxay ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ka fuliyeen weerar balaaran oo lagu beegsaday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen milatariga dalkaas, waxaana halkaas lagu dilay illaa Shan askari oo iskugu jiray kuwa dawladda iyo maleeshiyaadka ka barbar dagaalama.
Waxaa intaa dheer, jihaadiyiinta ayaa dagaalkan ku qabsaday ku dhawaad 15 qori oo iskugu jira Ak-47 iyo daba-jeexyo, iyaga oo goobta dagaalka ku gubay labo gaari, waxayna sidoo kale mujaahidiintu gacanta ku dhigeen, 19 mooto oo nooca laba lugooda ah iyo agabyo kale oo farabadan, sida laga dheehan karo sawiro ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah.
Horaantii isbuucan waxay mujaahidiintu hawgal kamiin u dhigeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda Burkiina-Faaso oo ku safraysay deegaanada u dhexeeya Sane iyo Wumura oo kawada tirsan gobolka Diidughu. Weerarkaasi ayaa lagu burburiyey laba gaari oo ciidan, waxaana lagu qabsaday gawaari kale oo ah nooca dagaalka ah iyo diyaarado daroon ah.
Dhammaan weerarradan ayaa banaanka keenaya taagdarida ciidamada dawladda Burkiina-Faaso iyo kuwa gacansaarka dhow la leh ee ka barbar dagaalama. Jihaadiyiinta jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaana marba marka ka dambaysa lasoo baxaya xeelado dagaal oo naafeeyay askarta dalalka Saaxilka Afrika iyo calooshood u shaqaysataayaasha shisheeye ee duulaanka cadowtooyo ku jooga wadamada galbeedka Afrika.