Janaraal Moorgan oo kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii dalka iyo dadka Somaaliyeed dhibaatada ugeystay, ayaa ku geeriyooday wadanka Kenya.
Maalintii shalay waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya ku dhintay, Janaraal Maxamad Xirsi oo loo yiqiin Moorgan, kana kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii wadanka ka huriyay dagaallada sokeeye, dhibaatooyin badanna ugeystay dadka iyo dalka.
Moorgan ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdii kaligii taliye Maxamad Siyaad Barre, wuxuuna mar soo noqday wasiirkii gaashaandhigga ee dowladdaas.
Ehellada Moorgan ayaa sheegay inuu xanuuno maalmihii lasoo dhaafay la daalaadhacayay, kuwaasoo ugu dambeyn sababay inuu ugeeriyoodo.