Xafiiska Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Joo Baydhan ayaa bayaan uu soo saaray Axadii shaaca ka qaaday, in Baydhan laga helay kansarka Burustaada ee qanjirka ku dhaca, kaas oo aad ugu faafay lafihiisa.
War saxaafadeed uu maktabkaasi soo saaray ayuu ku sheegay, in cudurka ku dhacay cajuuskaan 82 jirka ah la xaqiijiyay Jimcihii kadib markii uu la kulmay dhibaatooyin xagga kaadi imareenka ah, isaga iyo qoyskiisa ayaana hadda dadaal ugu jira sidii loogu heli lahaa dhaqaatiir khibrad u leh cudurkaan.
Saxiifadda Niyuu Yook Taymis ee kasoo baxda Mareykanka ayaa sheegtay, in Baydhan uu haleelay nooc halis ah oo kamida cudurka kansarka.
Saacado kadib markii lagu dhawaaqay, in Baydhan laga helay cudurka Kansarka, Madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam ayaa maanta sheegay, in uu aad uga muragaysan yahay warka sheegaya, in madaxweynihii isaga ka horreeyay laga helay cudurkan.
Halka Madaxweyne ku xigeenki Baydhan haweenayda lagu magacaabo Kamaala Harris ay iyadana, barteeda “X” soo dhigtay hadallo ay niyadda ugu dajinayasa Baydhan.
Baydhan , oo soo noqday madaxweynaha Mareykanak intii u dhaxaysay sanadka 2021-kii illaa horaanta sanadkan 2025-ka, ayaa si lama filaan ah u soo afjaray ololihiisii dib u doorashada bishii Luulyo ee la soo dhaafay, toddobaadyo kadib markii uu ku cantaataray dood uu la galayay musharraxa Jamhuuriga ee waqtigaas iyo madaxweynaha hatan talada Mareykanak haya ee Doonal Taraam, taas oo argagax ku abuurtay saaxiibadiisa xizbiga Dimuqraadiga.
Waxaa xusid mudan, in mudadii uu Joo Baydhan majaraha u hayay Mareykanaka ay ehelkeenna reer Qazza la kulmeen majaazirtii iyo xasuuqyadii ugu dhimashada baadnaa, kaas oo uu geysanayay kayyaanka Yahuudda oo taageero dhan walba ah ka helayay Joo Baydhan.