Waxaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareereya xiisadaha siyaasadeed ee udhexeeya Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Jubbaland ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo.
Maamulka la baxay Jubbaland ayaa waxa uu maanta dibadbax ka dhigay magaalada Kismaayo, kaas oo ay kaga horjeedaan faragalinta Dowladda Fedaraalka ay ku heyso maamulkaas.
Gudoomiyaha magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland oo ka hadlay dibadbaxa ayaa dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxmuud ku tilmaamay iney tahay koox riddo ah.
Hoos ka Daawo Muuqaalka Gudoomiyaha