Sunday, June 15, 2025
HomeAll NewsKa Bixitaanka Ruwanda ee ICAS Waxay Daaha ka Feydeysaa Taagdarrida Ururrada ka...

Ka Bixitaanka Ruwanda ee ICAS Waxay Daaha ka Feydeysaa Taagdarrida Ururrada ka Jira Afrika.[WARBIXIN]

Dowladda Ruwanda ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay isaga baxday ururka Midowga Dhaqaalaha wadamada bartamaha Afrika ee loosoo gaabiyo ECCAS, sida lagu shaaciyay shir-madaxeedkii 26-aad ee ururkaas oo sabtidii ka dhacay caasimadda dalka Ikuwaatooriyaal-Gini ee Malabo, waxaana shirkaas ka soo qeyb galay toddobo madaxweyne oo ka mid ah 11-ka dal ee xubnaha ka ah ururka. Arintan ayaana la sheegay, inay salka ku hayo is-faham la’aanta siyaasadeed ee ka dhex jirta ururka.

Go’aanka Ruwanda ay ugaga baxday ururkan ayaa yimid kaddib markii shir-madaxeedkii ugu dambeeyay lagu go’aamiyay in xilka madaxtinimada ururka hal sano oo dheeri ah loogu kordhiyay dalka Ikuwaatooriyaal-Gini, iyadoo dib loo dhigay wareejinta xilkaas oo ahayd in ay la wareegto Ruwanda. Kigaali ayaana tallaabadaas u aragtay mid si bareer ah loogu xadgudbay xuquuqdeeda sharciyeed ee ku cad qodobka lixaad ee sharciga u dagsan ururka, taas oo dhalisay in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo ka bixitaankeeda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruwanda ayaa ku sheegtay go’aanka ay kaga baxday ururkan inuu yahay natiijo ka dhalatay, sida khaldan ee siyaasada ururuka loogu adeegsanayo dano gaar ah. Xukuumada Kigaali ayaana jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Koongo – oo garab ka helaysa qaar kamida wadamada qaybta ka ah ururka – ku eedaysay, inay si  bareer ah u siyaasadaynaso habraacyada ururka.

Dowladda Ruwanda ayaana sidoo kale sheegtay, in ku xadgudubka xuquuqeed ee ka dhanka ah Ruwanda uusan ahayn mid cusub, maadaama laga reebay ka qeybgalka shirkii 22-aad ee ururka oo sanadkii 2023-ka lagu qabtay magaalada Kinshaasa ee jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Koongo, taas oo ay Kigaali ku tilmaantay dhacdo kale oo muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay siyaasad xumada ka dhex aloosan ururka.

Inkasta oo Kigaali ay si cad uga hortimid go’aankii looga reebay shirkaas, isla markaana ku tilmaantay mid “sharci-darro ah”, haddana xubnaha qaybta ka ah ururkan ma qaadin wax tallaabo ah oo lagu saxayo arrintaas, taas oo keentay in Ruwanda ay u aragto aamusnaanta iyo dhaq-dhaqaaq la’aanta ururka, inay tahay caddayn muuqata oo muujinaysa guul darada uu ururku kala kulmayo ilaalinta shuruucda u dagsan.

Wakaalada wararka ee AFP oo soo xiganaysa ilo-wareedyo ka qayb galay shirkii madaxda ururka ee ugu dambeeyay ayaa shaaca ka qaaday, in xiisad xooggan ay ka dhex qaraxday wufuudii ka kala socotay dawladaha Ruwanda iyo jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Koongo, Kinshaasa oo taageero ka helaysa dalka Burundi ayaana si cad u sheegtay, inaysan ka qeyb geli doonin kulan lagu qabto dalka Ruwanda haddii Kigaali loo doorto hoggaanka ururka, taas oo muujinaysa khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya.

Halkaan ka Degso Warbixinta Ruwanda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.