Iyadoo ay sii laba lixaadsanayaan dagaallada lagaga soo horjeedo nidaamaka Nuseyriyada Bashaar Al-Aasad iyo gumaadka uu wado wadanka Suuriya, ayey shalay galabkii Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Kooxaha Kacdoon wadaasha gudaha ugaleen magaalada Xalab ee dalka Suuriya, iyagoo halkaasi dagaal aan waqti badan socon kula galay askarta nidaamka Nuseriyada, kuwaasoo ugu dambeyntii ay jabiyeen islamarkaana kala wareegeen guud ahaan magaalada.
Lawareegitaanka magaalada ayaa soo gaaray illaa iyo xalay, waxayna isku fidiyeen ciidamada kacdoon wadayaasha ee galay magaalada, dhamaan xaafadaha kala duwan ee Xalab.
Saakay waxay magaalada taariikhiga ah ee Xalab ku waabariistay gacanta kooxaha kacdoon wadayaasha, halka shalay gelinkii hore ay ku jirtay gacanta nidaamka Nuseriga ee taageerida kahelay Ruusha iyo Iiraan.
Muuqaallo laga soo duubay gudaha magaalada ayaa lagu arkay askarta kooxaha kacdoon wadayaasha oo gudah magaalada ku maraya gadiid iyo lug intaba, iyagoo takbiirsanaya islamarkaana Allaah umahadcelinaya.
Waxay sheegayeen iney Xalab hora yuga sii socodoonaan islamarkaana ku wajahanyihiin magaalada Dimish ee ah caasimadda wadanka iyo magaalooyinka kale sida Ximis Al-Diqiya, Xamaah iyo Dirca.
Kooxaha kacdoon wadayaashu waxay xabsiga magaalada Xalab kasii daayeen dad uxirnaa nidaamka Nuseyriyada oo ay ku jiraan gabdho Muslimaad ah, waxaana la arkayay markii xabsiga laga siidaayay, iyadoo ay ka muuqato farxad aad u ballaaran islamarkaana si xurriyad ah ku dhexmaray magaalada.
Maanta magaalada Xalab gudaheeda waxaa lagu arkayaa ciidamada kala duwan ee kooxaha Kacdoon wadayaasha iyagoo sugaya amniga magaalada, jawiga Xalab ayaana ah mid deggan.
Muslimiinta Caalamka ayaa aad usoo dhaweeyay furashada magaalada dhacda meel udhow xad-beenaadka udhaxeeya Suuriya iyo Turkiga, maadaama dadka ku nool ay dhibaatooyin badan kala kulmayeen nidaamka Nuseriyada.
Ma ahan Xalab oo kaliya, magaalooyinka ay furteen kooxaha Kacdoon wadayaasha, hase ahaa waxaa jira meelo kale oo ay gacanta ku dhigeen, islamarkaana ay kamid tahay, magaalada Saraaqib iyo deegaano kale oo dhowr ah, islamarkaana dhaca gobolka Idlib ee dalka Suuriya.
Dhianca kale, xilli sidan ay kooxaha kacdoon wadayaashu ula wareegayaan magaalooyinka badan oo katirsan Suuriya, ayuu hogaamiyaha nidaamka Nuseriyada ninka lagu magacaabo Bashaar Al-Aasad ayaa safar qarsoodi ah ku tegay magaalada Mooskoow ee wadanka Suuriya isagoo Ruushka ka dalbanaya taageero iyo inuu wax kala qabto, burburka ku socda nidaamkiisa, oo marba marka ka dambeysa magaalooyin cusub lagala wareegayo.
Waxaa xusid mudan, in marka laga soot ago safarka uu Bashaar Al-Asad ku tegay Mooskoow, ay ciidanka Nuseyriyadu tan iyo shalay kor intii aan laga wareegin Xalab sugayeen, ciidamada Ruushka ee la jooga Suuriya ay ka taageeridoonaan dagaallada ay kula jiraan kocdoon wadayaasha, islamarkaana la difaacidoonaan Xalab, hase ahaatee waxba umey terin taageeradoodii waxaana cagta mariyay, ciidamada kala duwan ee kooxaha kacdoon wadayaasha oo maanta gacanta ku haya magaalada Xalab.