Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsKacdoon Wadayaasha Suuriya oo la Wareegay Magaalada Darca & Nuseyriyo Badan oo...

Kacdoon Wadayaasha Suuriya oo la Wareegay Magaalada Darca & Nuseyriyo Badan oo la Laayay.

Kooxaha Kacdoon wadayaasha Suuriya ayaa markii ay Khamiistii la wareegeen magaalada Xamaah waxay udhaqaaqeen dhanka magaalads Ximis oo ah magaalada sedaxaad ee ugu weyn dalka Suuriya, waxayna haatan ku sugan yihiin duleedyadeeda, iyadoo ay suuragal tahay iney la wareegaan saacadaha soo socda.

Hase ahaatee dhanka kale waxay si lama filaan ah iyadoo laga filanayo dhanka Ximis wacdaro layaab leh iyo horumaro kala duwan oo dhanka dagaalka ah ka sameeyeen, gobolka Dirca ee dhaca Koonfurta wadanka Suuriya, waxayna kadib go’doon ay saareen salay xalay la wareegeen xaruntii gobolka oo ah magaalada Dirca, waxaana kahor soo gelitaakooda magaalada halkaasi isaga cararay askartii Nuseyriyada Bashaar Al-Asad.

Isla shalay waxay gaareen xad beenaadka udhaxeeya Suuriya iyo Urdun, iyagoo la wareegay macbar muhiim ah oo dhaca halkaasi.

Marka laga soo tago magaalooyinka ay sida deg dega ag ula wareegeen shalay oo kaliya, waxayn isla Jimcihii salay weerar loo adeegsaday Drones ku qaadeen magaalada Dimiqish ee Taliska u ah nidaamka Nuseyriyada, iyagoo beegsaday idaacadda Talefashinka nidaamka.

Magaalada qeyb kamid ah ayaa laga maqlayay jugta qaraxyo, waxaana la arkayay qiiq cirka isku shareeray oo ka baxay dhisme ku yaalla magaalada.

Bashaar Al-Asad ayaa haatan waxay dhowr dowladood ku taliyeen, inuu isago baxo dalka Suuriya, islamarkaana dhisto xukuumad dibad jooga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.