Wednesday, April 30, 2025
HomeAll NewsKadib Fashilka Dagaalka Al-Shabaab, Cali Guudlaawe oo Xilka ka Qaaday Qaar Kamdi...

Kadib Fashilka Dagaalka Al-Shabaab, Cali Guudlaawe oo Xilka ka Qaaday Qaar Kamdi ah Wasiiradiisa.

Cali guudlaawe oo ah madaxweynaha maamulka la baxay Hirshabeelle, ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiiru-dolayaal katirsan wasaaradaha amniga iyo dastuur ee maamulkaasi.

Warqad kasoo baxday maamlkaasi oo uu ku saxiixan yahay Cali Guudlaawe, ayaa looga hadlay xilka qaadista lagu sameeyay mas’uuliyiintan, waxaana lagu xusay magacyadooda iyo jagooyinka ay hayeen.

Labada wasiiru-dowle ee xilalka laga qaaday, ayaa kala ah, Saadaq Cumar Cabdulle oo ahaa Wasiiru-Dowlaha dastuurka iyo maamulka la baxay Hirshabeelle iyo C/Xakiim Maxamuud Axamad [Xooshoow] oo ahaa Wasiir-Dowlaha amniga ee maamulkaasi.

Dhanka kale Wasiiru-dowlaha dastuur ee xilka laga qaaday ayaa sheegay in xilka qaadista kasoo baxday maamulkaasi kahor uu isagu xilkan iska casilay, wuxuuna sheegay sababha ku keenay arrintan.

Xilka qaadista mas’uuliyiintan ayaa timid kadib markii uu maamulkan laga qabsaday degaano iyo degmooyin badan oo katirsan Shabeellaha Dhexe, islamarkaana laga laayay askar badan amniga degaanada uu ka arrimiyo maamulkanna faraha ka baxay.

Halkaan ka Degso Warka Cali Guudlaawe

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.