Habeenimadii Talaadada ee tariikhda ku beegnayd 21-kii Janaayo, maraakiibta dagaalka Ruushka ee kala ah “Sparta” iyo “Sparta two”ayaa ku soo xirtay dekedda Tartus ee dalka Suuriya, halkaas oo maraakiibta badda ee Ruushka ay si aan kala joogsi lahayn uga howlgalayeen tobankii sano ee la soo dhaafay, kadib markii uu faragelin militari kusoo galay dalka Suuriya.
Labada markab ayaa maalmo ku xanibnaa xeebaha Suuriya iyagoo sugayay ogolaansho ay ku soo xirtaan, balse maamulka cusub ee dhawaan ka hanaqaaday dalka Suuriya ayaa u muuqaday inay ka gaabsadeen ogolaanshahaas, iyadoo ay socdeen wada hadallo udhaxeeyay Dimishiq iyo Moscow, laakinse habeenimadii Talaadada ilo wareedyo ayaa sheegay, in labada markab ay kusoo xirteen dekedda, taasoo u muuqatay in wada hadalladii socday ay guul kusoo dhammaadeen.
Ma cadda in soo xirashada maraakiibtaan ay qayb ka tahay dib u cusboonaysiinta iskaashiga Dimishiq iyo Moscow kadib markii maamulka cusub ee Suuriya ay la wareegeen talada dalkaas, iyo inay qayb ka tahay diyaar garawga uu Ruushka ugu jiro ka bixitaankiisa ugu dambeeya ee Tartus, balse falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in xaaladda labaad ay u badan tahay.
Wararka waxa ay tilmaamayaan, in maamulka cusub ee Suuriya uu dhab ahaantii damacsan yahay inuu baabi’iyo heshiisyadii dhinaca badda ee Moscow, kaas oo horay loogu oggolaaday inay isticmaasho dekedda Tartus, ayna labada markab ee Ruushku u yimaadeen oo kaliya, inay daabulaan qalab militari oo uu leeyahay Ruushka oo ku urursanaa dekeddaas tan iyo markii uu dhacay burburkii nidaamka Asad, iyaga oo sugaya ka bixitaankooda ugu dambeeya ee Suuriya halkaas oo ay ku sugnaayeen nus qarni.