Tan iyo wixii ka dambeysay markii maleeshiyaadka RSF laga soo saaray magaalada caasimadda ah ee Al-Khartuum, islamarkaana guuldarooyin qaraar la dhaxalsiiyay, ayaa waxaa markii ugu horreysay shaashadaha kasoo muuqday hogaamiyaha maleeshiyaadkaan ninka lagu magacaabo Xamdaan Doqlo.
Hogaamiyahaan ayaa waxaa kalimadda uu ujeediyay canaaasiirtiisa aad looga dheenayay, sida uu Doqlo uga xunyahay dib ugurashada fagaare ee ku habsatay, isagoo aad isugu dayay in uu ciidamadiisa ku dhiirragaliyo iney dardar xooggan lasoo baxaan oo ay qaabilaan millatariga Suudaan.