Monday, April 7, 2025
HomeAll NewsKala Shaki soo Kala Dhex-galay Saraakiisha & Ciidanka Dowladda Fedaraalka Kadib Dilkii...

Kala Shaki soo Kala Dhex-galay Saraakiisha & Ciidanka Dowladda Fedaraalka Kadib Dilkii Nuur Fareey.

Xaalad Kala shakki ah ayaa soo kala dhexgashey Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan furimaha dagaalka, wixii ka dambeeyay dilkii loo geystay taliyihii guutada 14-ka October ee ciidamada Dowladda Federaalka Nuur Fareey, kaasoo la tootay xilli uu la hadlayay ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka oo ku sugnaa duleedka degmada Afgooye.

Wararka ay heleyso warbaahinta Islaamiga Al-Furqaan ayaa tilmaamaya, in saraakiisha ciidamadii uu taliyaha u ahaa Nuur Fareey looga yeeray magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu weydiinayo su’aalo la xiriira sida uu weerarka u dhacay iyo suurtogalnimada kaalinta ay ku yeelan karaan, waxaana xaaladan kala shakiga ah aad usii xoojiyay iyadoo weli aan la helin tafaasiisha weerarka iyo qaabka loo dilay Nuur Fareey.

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in la amray saraakiisha iyo ciidamada Dowladda Federaalka inaan la arki karin qof ku dhex soc-scoonaya xeryaha ciidamada isagoo qorigiisa wata, shakhsiga suuli u baahda waqti habeen ahna ay tahay inuu ku qeyla dhaamiyo magaciisa, ciidanka uu ka tirsanyahay iyo waxa uu doonayo.

Saraakiisha hogaamineysa ciidamada Dowladda Federaalka ayaa la faray iney ka dhex baxaan ciidanka, oo ay degaan meel gaar ah, si aaney u dhicin weerar lamid ah kii lagu toogtay Nuur Fareey oo kaalin firfircoon ku lahaa duullaanka lagu qaaday Wilaayaatka Islaamiga.

Ilaa iyo hadda Dowladda Federaalka si faahfaasan ugama hadlin dilka Nuur Fareey, waxaana ay ku eedeysay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab fulinta weerarka, inkastoo Al-Shabaab aaney weli ka hadlin weerarkaas, dhabarkana u ridan masuuliyadiisa.

Xaalada kala shakiga ah ee soo kala dhexgashey ciidamada Dowladda Federaalka iyo saraakiishooda waxay kusoo aadeysaa, xilli dowladda Federaalku wajaheyso dagaal adag oo uga imaanaya dhinaca Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo la wareegtay magaalooyin iyo deegaanno muhiim ah oo katirsan gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Halkaan ka Degso Warka Kala Shakiga Ciidanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.