War kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay, in iskuullo ku yaalla dalkaasi albaabada la isugu dhuftay amni darro ka jirta qeybo kamid ah dalkaasi awgeed.
Illaa 13 iskuul ayay wasaaraddu sheegay iney xirtay, kuwaas oo ku yaalla ismaamullada Baringo ee dalka Kenya, kadib amni darro baahsan oo saameysay gobalkaas.
Ismaamulka Baringo ayaa waxaa ku badan bucadda geysata dhaca xoolaha, kuwaas oo mararka qaarkood dadka dila, taas ayaana loo aaneyneynaa tallaaabada albaabada la isugu dhuftay iskuulladaan.