Xilli uu wali socdo dagaalka u dhaxeeya maamulka gumeysiga Yahuudda iyo xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, ayaa waxaa geesta kale isa soo taraya dadka ka hadlaya suuragalnimada dagaal toos ah oo dhex mara Iiraan iyo Mareykanka.
Inkastoo ay Dowladda Mareykanka marar badan iska fogeysay iney ku lug leedahay dagaalkaas, ayaa waxaa haddana shakhsiyaad Ameerikaan ah oo xilal soo qabtaay ay xaqiijinayaan in ay qeyb ka yihiin duullaankaas, dagaal si toos ah u dhexmara Washintington iyo Tehranna uu noqon doono mid musiibo ah.