Tirada dadka ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay dekedda Rajaa’i ee magaalada Bandar Cabbaas ee koonfurta Iiran ayaa gaartay illaa 18 qof, halka dhaawucuna uu kor dhaafay 800 oo qof, sida uu maanta xaqiijiyay telefishinka dalkaas, iyadoo la filayo in tiradaasi ay sii korodho saacadaha soo socda, maadaama uu wali dabku ka socdo qaybo kamida dekedda.
Qaraxan ayaa dhacay galiinkii hore ee shalay sabtidii, waxayna dadka ku dhaqan agagaarka dakadda dareemeen dhul gariir xooggan oo uu sababay qaraxa, kaas oo dhaliyay inuu dab wayn ka kaco inta badan dakadda, waxaana wali socda hawlaha ay wadaan kooxaha dab damiska.
Wariye ka tirsan warbaahinta dalkaas oo ku sugan goobta uu dabku ka kacay ayaa sheegay, in lagu guuleystay in dabka la xakameeyo faafitaankiisa balse aan wali la damin goobih ii uu dabku gaaray, iyadoo la arkayo qiiq madow oo kasoo baxaya goobta uu dabku qabsaday.
Wakaaladda wararka ee Iiran ee Faaris Niyuus Ajensi ayaa xaqiijisay, in la filayo in uu dabku ku fido konteenaro hor leh, iyadoo laga cabsi qabo in ay dhacaan qaraxyo kale, kuwaas oo saameeya dakadda.
Ma’uul sare oo ka tirsan maamulka gobolka Hormozgan ee dalkaas ayaa shaaca ka qaaday, in baaritaano horudhac ah oo la sameeyay ay muujinayaan in qaraxan ay sababeen tiro Konteenaro ah oo lagu keydiyay Dekadda, waxaa uuna intaas ku daray in hadda ay socoto daad gureynta dadkii ku wax yeeloobay dabka ka kacay dakadda.
Dekaddan ayaa ah mid kamida dakaddaha ugu muhiimsan dalkaas, waxayna ku taallaa koonfurta gobolka Hormozgan, kaas oo dhaca xeebta waqooyi ee gacanka Hormuz. Waxayna dabooshaa aag dhan qiyaastii 2,400 oo hektar, iyadoo leh awood dhan qaaditaanka illaa 70 Millyan oo tan oo badeecado ah sanadkii.