Xiritaankii Aaladda TikTok ee gudaha Mareykanka ayaa horseeday inuu dalkaas khasaaro balaayiin doollar oo kamida dhaqaalahiisa, iyadoo ay meesha ka baxday goob muhiim ah oo ay isticmaalayeen malaayiin shirkadood oo ganacsi ah iyo hal-abuuro kamida ganacsatada, si ay ula xiriiraan macaamiisha dhaqaalaha ugu weyn ee adduunka.
Suulitaanka TikTok ee gudaha Mareykan waxay yarayn doontaa dhaqdhaqaaqyada dhaqaale ee lagu xayasiin jiray app-kan caanka ah, kaas oo ay adeegsadaan qiyaastii 170 Milyan oo Ameerikaan ah. Way adag tahay in tiro sax ah lagu sameeyo saamaynta ka dhalay xiritaanka Aaladdan sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska Wall Street Journal Axaddii. inkasta oo shirkadda Shiinaha ee leh TikTok ay tilmaantay, in tirada khasaaraha ay kor u dhaafi doonta 20 Bilyan oo Doolar sannadkiiba.