Saacadihii lasoo dhaafay waxaa duleedka magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan ka dhacay, dagaallo tiro dhowr jeer lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka, kuwaasoo ay isaga horyimaadeen Millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalladan, waxaana lagu dilay 3 askari, halka ay ku dhaawacmeen 34 kale oo 3 kamid ah gaari uu la rogmaday, xilli ay dhaawac uwadeen isbitaalka magaalada Buulo-Barde ee gobolkaas.
Dhanka kale qarax ayaa maanta lala beegsaday ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa fariisin ay ku lahaayeen degmada Qoryooleey ee gobolka Sh/Hoose.
Qaraxaasi waxaa lagu dilay 1 askari, halka lagu dhaawacay 3 kale, waxayna dhacdadani baqdin gelisay askartaii kale ee ka badbaaday.