Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gadood sameeyay ciidamo katirsan maamulka la baxay Puntland oo uu tababar uga socday degmada Carmo ee gobolka Bari, kadib markii ay mushaar la’aan soo wajahday iyo mudada tababarkana loo kordhiyay.
Askartan ayaa gadood sameeyay waxayna ka baxeen xerada, halka qaarkoodna ay derbiga xerada ka boodeen oo ay isaga carareen goobta.
Ciidankii dalbaday mushaarka sido kalena ka cabanayay mudada tababarka ee loo kordhiyay ayaa waxaa hubka noocyadiisa kala duwan la dhacay askar katirsan ciidanka PMPF ee hoostaga maamulka Siciid Deni, waxaana la sheegay inuu soo gaaray dhaawac, in kastoo aan la hayn tiro rasmi ah.