Dad ayaa ku dhintay kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii bam-gacmeed uu kula qaraxay degaan katirsan gobollka Galgaduud.
Degaanka Afceegaag ee gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay qarax ay ku dhinteen tiro dad ah halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxan ayaa ka dhashay bam-gacmeed ay ku cayaarayeen dhalinyaro kamid ah kuwa degaanka, waxaana ku dhintay 2 ruxuu qaar kalena waa way dhaawacmeen.
Dadka dhintay ayaa lagu aasay degaanka Afceegaag, halka kuwa dhaawacyada ahna loosoo qaaday magaalada Guriceel ee gobolkaas halkaasoo xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo.
Dhaawacyada qaar ayaa ah kuwa culus sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaasi, maadaama ay si lama filaan ah ugu qaraxday.
Gobolka Galgaduud qeybta uu ka arrimiyo maamulka la baxay Galmudug, ayaa kamid ah meelaha ay dagaallada qabaa’ilku ragaadiyeen waxaana laga helayaa haraadiga dagaallada iyo walxaha qarxa.