Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Hargeysa ka da’ay roobab xooggan, kuwaas oo sababay in daadad ay ku fatahaan magaalada.
Wararka ayaa tilmaamaya, in daadadka ay qadeen labo ruux oo dhalinyaro ah, kuwasoo sida lasheegey goor dhow yimid magaalada, kana yimid dalalka Mareykanka iyo Canada.
Ehellada labada ruux ee ay daadadku qaadeen ayaa waxa ay sheegeen in la helay meydka mid kamid ah dhalinyarada, halka ilaa iyo iminka labaadi goobayo midka kale.