Diinta Islaamka ayaa ahmiyad gaar ah siisay islamarkaana dhiirro galisay dhisidda qosys Muslim ah, Nolosha Zowjiyada ayaana ah nolol uu Quraanku ku tilmaamay gacaltooyo iyo naxriis, waase haddii la helo lammaane is xaq dhowra, qofba qofka kalena ixtiraam iyo naxriis siiyo.
Sheekh Mukhtaar Abuu Muslim oo kamid ah culimada Diinta Islaamka, martina ku ahaa barnaamijka todobaadlaha ah ee Islaamka iyo Bulshada ee baxa Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan, ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay mafhuumka iyo aragtida uu Islaamku ka qabo qoyska, iyo dhabaha loo marayo in la dhiso qoys qeyb ka noqdo bulshada muslimka ah, isagoo xusay fawaa’idda guurka iyo dhisidda qoys Muslim ah.