Sunday, June 22, 2025
HomeAll NewsKhilaaf Horleh oo ka Dhex-Qarxay Niger Shirkadaha Faransiiska ee Macdanta Kala Baxa...

Khilaaf Horleh oo ka Dhex-Qarxay Niger Shirkadaha Faransiiska ee Macdanta Kala Baxa Dalkaas.

Xukuumadda millatariga ah ee Niijar ayaa ku dhawaaqday qorshe ay kula wareegayso macdanta Yuraaniyowmta ah ee ay gacanta ku hayso shirkadda Faransiiska ah ee lagu magacaabo Uuraanuu, kadib muddo bilo ah oo uu xumaaday xiriirka labada dhinac.

Bayaan ay soo saartay dowladda Niijar  ayay ku eedeysay, shirkaddan Faransiiska ah inay la wareegtay saami aan la qiyaasi karin oo ka mid ah wax soo saarka ganacsi ee macdanta marka loo eego saamiga dhabta ah ee ay leedahay dowladda.

Taas badalkeeda shirkadda Faransiiska ee Uuraanuu ayaa sheegtay, inay kasoo horjeeda tallaabada dowladda Niijar , iyadoo ku celcelisay inay xaq u leeyihiin inay qaadaan tallaabo sharci ah.

Waxayna intaasi ku dartay, inay aad uga xun tahay isbadalka xaaladda iyo mowqifka dowladda Niijar, taas oo ay ku tilmaamtay, inay saameyn ku yeelan doonta shaqaalaheeda ku hawlan qodista macdan ee ku sugan dalkaas.

Dowladda Niijar ayaa sheegtay, in shirkaddan Faransiiska ah ay saami ahaan u qaadanaysay Boqolkiiba 86.3% wax soo saarka macdanta intii u dhaxaysay sanadihii 1971-ka illaa 2024-kii, taas oo ay xukuumadda Niyaami ku sheegtay, inay yihiin kuwa ka fog inay ka tarjumayaan qaacidada wax kala qaybsiga.

Horaantii bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd, markii Ciidamada ammaanka ee dowladda Niijar ay al-baabada isugu dhufteen xafiisyada saddax shirkadood oo ajanibi ah oo ku yaallay caasimadda dalkaas ee Niyaami oo ay kamid tahay shirkadan Faransiiska ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inaysan wax faa’ido ah usoo hoynin bulshada dalkaas.

Go’aankan ay dowladda Niijar kula wareegayso wax soo saarka macdanta ee dalkeeda ayaa ku soo aadeya iyadoo ay jiraan mowjado ka socda galbeedka Afrika oo lagula wareegayo goobaha ay gacanta ku hayaan shirkadaha shisheeya oo ay ugu horeeyaan kuwa Faransiiska, taasoo walaac ku beertay shirkadaha macdanta ee caalamiga ah iyo maalgashadayaasha kale ee ajnabiga ah, kuwaas oo in mudda ah ka macaashayay khayraadk dalalkaas ee ay ka baahan yihiin dadkii iska lahaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.