Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay maamulka SSC-Khaatumo, kaasoo salka ku hayo arimaha dastuurka.
Madaxweynaha maamulkaas Firdhiye ayaa doonaya in la qoro dasturu cusub oo uu yeesho maamulkiisa, hase ahaatee waxaa arintaas is hortaagay gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jaamac Yaasiin Warsame, isagoo tilmaamay inaan loo soo marin wado sharci ah.
Fadhiga baarlamaanka maamulka SSC-Khaatumo isugu yimaadeen maalintii shalay ayaa waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan, iyadoo xillibaannada diidan iyo kuwa ogol arinta dastuurka ay eedeymo hawada isku mariyeen.