Sunday, April 13, 2025
HomeAll NewsKhubarro ku Takhasusay Arrimaha Daqaalaha oo ka Digaya Dagaal Dhaqaale oo Caalami...

Khubarro ku Takhasusay Arrimaha Daqaalaha oo ka Digaya Dagaal Dhaqaale oo Caalami ah.[WARBIXIN]

Khubarada caalamiga ah ayaa ka digay, in iska horimaadka ganacsi ee u dhexeeya Washington iyo Beijing uu isu beddelo dagaal dhaqaale oo caalami ah, iyadoo Shiinuhu uu wacad ku maray inuu jawaab kulul ka bixin doona siyaasadda aan ka fiirsiga lahayn ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, halka saraakiisha Mareykanka ay difaaceen canshuurahaas.

Trump ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inuu oggolaaday, in 90 maalmood la joojiyo canshuuraha uu ku soo rogay Tobannaan waddan, marka laga reebo Shiinaha, isagoo dalacay lacagaha canshuuraha ah ee la saaray dalkaas kana dhigay boqolkiiba 125%, halka ay awal ka ahayd boqolkiiba 104%.

Go’aankan ayaa waxaa ka mid ahaa in muddo 90 maalmood ah la hakiyo canshuuraha la saarayo dalalka aan ka jawaabin canshuuraha Mareykanka, halka ay siyaaday lacagaha canshuuraha ee la saaray Shiinaha, maadaama uu ku dhawaaqay tallaabooyin dheeri oo aargoosi ah.

Dr. Victor Gao, oo ah Madaxweyne ku xigeenka Xarunta Shiinaha iyo Caalamiyaynta, ayaa sheegay, in dalkiisa uusan ka laaban doonin tallaabooyinka ku aadan siyaasadda ganacsiga ee Trump.

Waxa uu ninkaasi ku goodiyay, in Shiinuhu uu dagaallami doono illaa dhamaadka haddii Trump uu qaado dagaal ganacsi, isaga oo intaa ku daray, in dalkiisa uu sii wadi doono difaacidda danihiisa iyo ilaalinta mabaadi’da ganacsiga xorta ah. Isagoo carrabka ku adkeeyay, in Mareykanka uu dhibaata ka abuuraya adduunka, taas oo aan saamaynaynin Shiinaha oo keliya.

Gao ayaa cambaareeyay, istaraatiijiyadda cadaadiska fog ku dhisan ee maamulka Mareykanka, isaga oo wacad ku maray, in Shiinuhu uusan waligiis hoos imaan doonin cadaadiskaas.

Halkaan ka Degso Warbixinta Dhaqaale

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.