Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsKooxa Hubaysan oo Askar ku Dilay Koonfurta Dalka Suuriya.

Kooxa Hubaysan oo Askar ku Dilay Koonfurta Dalka Suuriya.

Xiisado ayaa weli ka taagan gobolka Darca ee koonfurta Suuriya, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen weerarro lagu dilay xubno ka tirsan ciidamada ammaanka ee dalkaas, weerarradaas oo loo aanaynayo inay fuliyeen kooxa ay ka danbeeyaan gacmo shisheeye oo kasoo horjeeda daganaanshaha dalkaan kasoo kabanaya dhibaatooyinkii ay bideen qoyskii Al-Asad.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa lagu dilay labo wiil oo walaalo ahaa oo ka tirsanaa ciidamada nabad sugida ee Suuriya, kadib markii kooxo hubeysan oo an haybtiido la garanaynin ay si toos ah ugu toogteen magaalada Mazayriib ee galbeedka magaalada Darca.

Dhinaca kale, hawlwadeennada Caafimadka ee degmada Darca ee dalkaas ayaa shaaciyey, dhimashada afar qof oo rayid ah iyo dhaawaca saddex kale oo dhaawacoodu kala duwan yahay, kuwaasi oo ku waxyeeloobay haraadiga walxa qarxa ee aan wali qarxin ee ka haray dagaallada, kaas oo ay tiro carruur ahi ku ciyaarayeen agagaarka xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Tasiil ee baadiyaha galbeed ee Daraca.

Dadka Suuriyaanka ah gaar ahaa da’yarta ayaa waxaa dhibaato wayn ku hayo haraadiga walxa qarxa ee ka haray dagaallada sanadihii lasoo dhaafay ka socday dalkaas, iyadoo ciidamada difaaca madaniga ah ee  dalkaas ay marba marka ka danbaysoo soo gudbinayaan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay walxahaas.

Arbacadii la soo dhaafay ayay ahayd markii, hay’adaha sheegta inay u doodaan xuquuqda Aadanaha ay ka digeen, in wasakhoowga baahsan ee miinooyinka dhulka lagu aaso iyo walxaha qarxa ee ka haray dagaalka Suuriya ay caqabad weyn ku yihiin dib u soo celinta barakacayaasha oo si nabad ah u soo laabanaya, isla markaana ay caqabad ku tahay dadaallada dib u dhiska loogu samaynayo meelaha kala duwan ee ku burburay dagaallada mudada dheer ka holcayay dalkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.